Muqdisho: Qarax Lagu Dilay Sarkaal Ka Tirsanaa Safaaradda Imaraadka ee Soomaaliya

qraxMuqdisho (NN) 24/11/2016

Sarkaal Soomaali ah oo ka tirsanaa ciidamadada ilaaliya Safaaradda wadanka Isu-tagga Imaraadka Carabta ku leedahay magaaladda muqdisho ayaa lagu dilay qarax lagu xiray Baabuur uu watay oo marayay isgoyska Manaboolyo.

Axmed Muumin Maxamed oo ah Guddoomiyaha Degmada Shibis Axmed ayaa laanta afka Soomaaliga ah ee  VOA u xaqiijiyay in gaariga uu watay sargaalka dhintay oo noociisu ahaa kaarib uu kula qarxay isaga oo marayay isgoyska Maana-Boolyo ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in baaritaano ay socdaan, balse ay  rumeysan yihiin in qaraxa lagu diley sarkaalka loogu soo xirey gaarigiisa, gaar ahaan dhanka darwalka uu xigo.

Dhinace kale, Afjahayeenka gobolka Banaadir cabdifataax cumar Xalane oo la hadlay warbaainta ayaa sheegay in sarkaal la dilay uu ka mid ahaa saraakiil si gaar ah ay Dowladda Imaraadku u soo tababareen

“ Qaraxu wuxuu ahaa mid lagu soo xiray baabuurka oo lagu bartlimaameedsanayay sarkaalkaas oo isla goobta ku dhintay, waxaa kaloo ku dhaawacmay saddex askari oo kale “ ayuu yiri Afhayeenka gobolka Banaadir.
Wuxuu sheegay in ciidamadda Ammaanku ay bilaabeen inay  baaritaan ku sameeyaan qaraxa, hase yeeshee ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay inay fuliyaan ama ka dambeeyeen Qaraxa muqdisho ee Maanta

Dowladda Isu-taga Imaraadka Carabta waxay ka mid tahay wadamada ka caawiya dowladda  Federaalka soomaaliya  iyo maamuladda kale ka jira dalka , dhismaha ciidamadda amniga iyo mashaariicda kale ee horumarineed.

Comments are closed