DAAWO UK: Cunsurigii dilay Xildhibaanad Jo Cox oo la xukumay – VIDEO

ukLondon (NN) 24/11/2016

Ninkii dilay Xildhibaanada ka tirsaneyd xisbiga Shaqaalaha (Labour Party) ayey maxkamada ku xukuntay xabsi daa’in.

Thomas Mair ayaa lagu helay dilka uu u geystay Xildhibaanad Jo Cox kahor aftidii dalka Ingiriiska ka dhaceysay bishii June ee sanadkan, waxaana sidoo kale maxkamada lagu soo bandhigay xog badan oo ku aadan waxyaabihii laga soo helay gurigiisa oo ay ku jiraan astaamaha cunsuriyiinta.

Maxkamada ayaa ku xukuntay ninkan xabsiga ugu adag dalkaasi oo ah oo xabsi daa’in, wuxuuna garsooraha Maxkamada uu diiday inuu fursad labaad siiyo eedaysanaha oo mar labaad codsanayey inuu maxkamada hadal kasoo jeediyo.

Garsooraha Maxkamada ayaa dilkan ku tilmaamay weerar argagaxiso.

Comments are closed