DAAWO Kenya: Kooxo hubeysan oo hub kala baxsaday Saldhig Booliis – VIDEO

kenyaKenya (NN) 24/11/2016

Ciidamada amaanka ee Kenya ayaa weli baadi goobaya koox aan tiradeeda la aqoon oo burcad ah oo subaxnimadii shalay oo Arbaca ahayd weerar gaadmo ah ku qaaday Saldhiga Booker ee degmada Mumias.

Kahor weerarkan ayaa la sheegay in ciidamadii saldhigaasi joogay qaarkood loo diray roondo, xiligaasna ay kooxdan ka faa’iideysteen inay awood u sheegtaan askarigii illaalada ahaa.

Kooxdan ayaa saldhiga kala baxsaday qoryihii iyo rasaastii halkaasi tiilay, iyadoo aan illaa iyo hada lasoo qaban ragga falkan ka danbeeyey.

Dalka Kenya ayaan horey looga aqoon weerarada noocaan ah oo lala beegsanayo saldhigyada Booliiska si looga furto hubkooda, marka laga yimaado weerarada ay gaystaan kooxda Al Shabaab oo inta badan ka dhacay dhulka Waqooyi bari Kenya ee u dhaw xaduuda Soomaaliya & Kenya.

Comments are closed