Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo bogaadiyay doorashooyinka aqalka hoose ee ka socda gobollada dalka

xasan1Muqdisho (NN) 24/11/2016

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa bogaadiyay doorashooyinka aqalka hoose ee ka soconaya qeybo ka mid ah gobollada dalka, dhawaanna la fillayo in ay ka bilaawdaan magaalada Muqdisho.

“Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD), Guddiga Dowlad Goboleedka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka, waxaan ku ammaanayaa sida hufnaanta leh oo ay u maamulayaan doorashooyinka Golaha Shacabka ee dalka ka socda. Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxay kalsooni buuxda ku qabaan guddiyadda madaxa-bannaan, waxaana ku dhiirra-gelineynaa inay sii labalaabaan dedaalkooda ku aadan howlaha loo igmaday oo ay si habsami leh doorashooyinka ugu soo gabagbeeyaan waqtigii loogu talagalay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda dhaqanka beellaha iyo guddiga doorahsooyinka dadban inay xaqiijiyaan doorka kootada haweenka ee lagu heshiiyey oo ah Sodon Boqolkiiba (30%). Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in si deg deg ah loo bilaabo doorashooyinka Aqalka Sare iyo kan Golaha Shacabka ee Gobollada Woqooyi ee loo qorsheeyey inay Muqdisho ka dhacaan iyada oo la ilaalinayo habraaca doorashooyinka ee horey loogu heshiiyey lagana fogaanayo wax walba oo wax u dhimayo habsami u socodka doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa yiri “Doorashooyinka ka dhacaya dalka waa guulo weyn oo ay Soomaaliya gaartay oo tusaale u noqon doonta adduunka iyo taariikh cusub marka loo eego wadamada dagaalka ka soo kabsaday sida Soomaaliya oo kale.” Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey, Beesha Caalamka, dowlad Gobolleedyada dalka ka jira iyo shacabka Soomaaliyeed doorkooda ku aadan qabsoomida doorashooyinka Dadban ee 2016ka,

Ugu danbeyntii, inkastoo madaxweyne Xassan bogaadiyay habsami u socodka doorashada, haddana dhinaca kale waxaa soo ifbaxaya cabasho odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ka muujinayaan sidda loo maamulayo doorashada

 

Comments are closed