C/KARIIN GUULEED: Xubnaha Aqalka Hoose ee Galmudug si Caddaalad ah ayaa lagu soo Doortay

guleydCadaado (NN) 24/11/2016

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa qoraal jawaab ah oo u diray Danjiraha Mareyaknka u jooga Somalia Stephen Schwartz, taasoo uu ku beeniyay inay jiraan wax-is-daba-marin lagu sameyay qaar ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose ee laga soo doortay Galmudug.

Qoraalka C/kariin Guuleed oo ku qornaa Ingiriis, ayuu kaga J|awaabay Cabashada, Danjire Schwartz ee ku saabsan in doorashada Aqalka Hoose ee Galmudug ka dhacday qaar ka mid ah kuraasta si musuq-maasuq ah loogu doortay.

Sidoo kale, Guuleed ayaa xusay in si cadaalad ah ay u dhaceen doorashada Xildhibaannada uu Danjiruhu soo Hadal-qaaday, isagoo Tilmaamay inay doorteen xildhibaannada ergooyin ka socday beelahooda.

Dhanka kale, Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa warbixinta Safiirka ku tilmaamay mid aan laga fiirsan oo uu lasoo Deg-degay; Waxuuna Xusay in Galmudug ay mar walba u taagan tahay sidii dadkeeda ay ugu cadaalad-fali lahayd.

Ugu dambeyntii, Beesha Caalamka oo uu ugu horreeyo Dalka Mareykanka, ayaa walaac ka muujiyay Doorashada kuraas ka tirsan Aqalka Hoose oo musuq-maasuq, awood sheegasho iyo handadaad lagu sameeyay.

 

Comments are closed