Madaxweynaha Puntland iyo Wefti uu Hogaaminayo oo anba baxay Dalalka Ethiopia iyo Chine

dsc02118-1Garoowe (NN) 25/11/2016

Maxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa  safaro shaqo ugu amba baxay Dalalka Ethiopia iyo China, safarkan Madaxweynaha ayaa yimi kadib markay  Puntland ka heshay dalalkasi casuumad rasmi ah.

Safarkan madaxweyna ugu amba baxay dalalka Ethiopia iyo China ayaa waxaa ku wehelinaayey mas’uuliyiin ka tirsan goloyaasha Puntland.

Ugu horayn Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in safarkan uu ku tegayo Dalalka Ethiopia iyo China inay la xidhidhaan amanka iyo adkaynta xidhiidhka ay laleedahay dawlada Puntland wadamadaasi, sidoo kale waxaa uu Madaxeynuhu ku dardaarmay Adkaynta amniga iyo inlagu deddaalo sidii loo gaarsiin lahaa  Gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruha saameeyeen.

”waxaan saaka u amba baxayaa Dalka Ethopia iyo socdaal gaaban oo aan ku gaari doono dalka China, Dalka Ethopia waxaan u aadi doonaa arrimo la xidhiidha iskaashiga amaanka iyo arimihii noosocdey ee haa iskaashiga dhanka ganacsiga, socdaal gaaban oo dhowr beri qaadan doonana waxaan ku tegidoona wadanka China  oo aan u aadi doono hawlo laxidhiidha horumarinta Mashariicda”Ayuu Yiri Madaxweynaha Puntland.

“Waxaan ilaahay ka rajaynayaa inuu nagu soo guuleeyo safar kayaga wax fiicana uga soo baxaan dadka iyo dalka Puntland, sidoo kale waxan ku dardaarmayaa labadii arimood ee haa ladagaalanka argagixisada dalka ku soo duushey iyo  sidoo kale  gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruhu wax yeleeyeen” ayuu intaasi sii raaciyey  Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbayn Madaxweynaha Puntland ayaa shacabka Puntland kula dardaarmay inay had iyo jeer ka shaqeyaan iskana kaashadaan hirgelinta Nabada, Horumarka iyo Caawinta Dadkooda tamarta yar siiba kuw abaaruhu sameeyeen.

Comments are closed