DAAWO Isra’iil oo la tacaaleysa Dab Qabsaday Haifa kuna eedaysay Falastiiniyiinta – VIDEO

falastinIsra’iil (NN) 25/11/2016

Maamulka Isra’iil ee ka taliya dhulka la heysto ee Falastiin ayaa dadaal ugu jira sidii loo damin lahaa dab xoogleh oo maalmihii lasoo dhaafay ku fidayey nawaaxiga magaalada Haifa oo ah magaalada sadexaad ee ugu weyn dhulka Isra’iil ka taliso.

dab-haifa-2016

Dhulkaasi oo hada abaari iyo biyo la’aan ka jirto ayaa waxaa la sheegay in dabka si sahal ah ugu fiday, isla markaana ay sii caawiyeen dabeylo halkaasi ka dhacaya.

Isra’iil ayaa in ka badan 10 diyaarado u adeegsaneysa daminta dabkan oo khasaaro baaxadleh u geystay dhul ay degen yihiin in ka badan 1000 qoys oo Yuhuud ah, dabkan ayaa la sheegay inuu u gudbey qeybo kamid ah dhulka ay Falastiiniyiinta degen yihiin ee Danta Galbeed ee wabiga urdun.

dab-haifa-2016-3

Saraakiisha amaanka ee Isra’iil ayaa warbaahinta u sheegay inay aaminsan yihiin in dabkan si ulla kac ah loo shiday, waxayna xabsiga dhigeen 4 Falastiiniyiin ah kuwaasi oo lasii daayey kadib markii Maxkamada ku weysay wax cadeyn ah.

Comments are closed