DAAWO Baarlamaanka Midowga Yurub oo doonaya in la jojiyo wadahadaada Turkiga – VIDEO

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2013-05-23 23:30:35Z |  | Lÿÿÿÿ

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2013-05-23 23:30:35Z | | Lÿÿÿÿ

Brussels (NN) 25/11/2016

Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa u codeeyey mooshin sheegaya in la joojiyo gebi ahaanba wada hadalka Midowga iyo Turkiga ka dhexeeya ee ku aadan in Turkigu xubin ka noqdo Midowga Yurub. Arritan ayaa sabab u ah gacanta adag ee Turkigu ku qabtey dhamaan kuwa ka soo horjeeda iyo kuwii ka danbeeyey afgenbigii dhicisoobey.

Codeynta Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa u dhacdey 479 Xildhibaan oo u codeeyey Mooshinka iyo 37 oo ka soo horjeestey.

Wada hadalka Midowga Yurub iyo Turkiga oo doonaya xubinimo ayaa soo socotey muddo 11 sano ah.

Raysalwasaaraha Turkigiga Binali Yildirim ayaa canbaareeyey mooshinka, mar uu waraysi sinaayey TRT, waxaana uu hindisahan ku tilmaamey “mid aan waxtar lahayn”, waxaana uu ku hanjabey in ay dhaawacayso Midowga Yurub, oo qaxooti malaayiin ah ay ku qul-quli doonaan.

Dad ka bdan 125 000 oo qof oo isugu jira Askar, Xaakimiin iyo Suxufiyiin ayaa la xiray ama shaqadii laga cayriyey, kadib isku daygii Inqilaabka bishii Luuliyo ka dhacay Turkiga.

Comments are closed