Xafiiska Caafimaadka DDSI Iyo Xafiiska Ka Hortaga Iyo Xakaymaynta HIV AIDS Oo Qabtay. Kulan Wada Tashi Ah

ham011Jigjiga (ESTVLIVE.COM) 25/11/2016

Kulan si heer sare ah uu usoo agaasimay xafiiska cafiimaadka DDSI Iyo X afiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV AIDS oo ay kasoo qaybgaleen Wasiirka xafiiska caafimadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil, Wasiirka xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV AIDS DDSI  marwo kaamilo Axmed Nuur, Dhamaan xafiisyada bahwadaagta xafiiska caafimaadka iyo ha’yadaha aan dowliga ahayn ee  bahwadaagta la ah islamarkaana ujeedadiisu ahayd sidii bulshada  baadhitaan balaadhan oo HIV AIDS ka ah  loogu samayn laha ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee Xamda Hotel.

ham01Waxaana kulankan ugu horayn  ka hadlay Wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaciil oo sheegay inuu kulan yahay sidii kor loogu qaadi lahaa in dhamaan bulshada deegaanka lagu sameeyo baadhitaan si looga hortago cudurkan dilaaga ah ee HIV AIDS islamarkaana looga hortagi lahaa ama lagu dawayn lahaa dadka uu saameeyo xanuunkan, Wuxuuna wasiirku intaa ku daray in kulankan laga soo dhexsaari doona qaabka ugu fiican ee baadhitaan guud loogu samayn karo bulshada deegaanka islamarkaana xalwaara looga keeni lahaa cudurkan dilaaga ah.

ham02Sidoo kale waxaa iyana kulanka ka hadashay Wasiirka xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta HIV AIDS DDSi marwo kaamilo Axmad Nuur oo sheegtay inuu kulankani yahay mid muhiim ah islamarkaana loo baahan yahay in lala halgamo cudurkan dilaaga maadaamo uu soo dhawyahay xuskii maalinta HIV AIDS ee Dalka.

Comments are closed