Madaxweynaha Jubbaland oo Qado-sharaf u sameeyay Xildhibaanada Cusub labada aqal
Kismaayo (NN) 25/11/2016
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qasriga Madaxtooyada qado sharaf ugu sameeyay Xildhibaanada Baarlamaanka labada Aqal ee dhawaan lagu soo doortay Magaalada Kismaayo.
Sidoo kale qado sharaftan waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Labaad iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubalanad.
Qadada kadib Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan gaar ah la qaatay Xildhibaanada Cusub isagoo qudbad dheer u jeediyay. Ugu horayn Madaxweynaha Dowlada Jubaland waxaa uu u mahad celiyay Hay’adaha amaanka noocyadooda kala duwan sidii bogaadinta mudnayd ee ay uga soo dhalaalen sugida nabadgalyada goobaha doorashooyinka isagoo hoosta ka xariiqay in la dalacsiin doono Sarakiisha iyo hogaanka laamaha amaanka.
Sidoo kale Madaxweynahu waxaa uu u mahad celiyay Odayaasha Ergooyinka iyo gudiga Doorashooyinka oo uu xusay in shahaadooyin la gudoonsiin doono.
Isagoo la hadlayay Baarlamaanka ayuu Madaxweynaha Dowlada Jubaland sheegay in masuuliyad adag ay maanta qaadeen taas oo u baahan in laga soo dhalaalo oo umada loogu adeego waxaana Madaxweynahu uu hoosta ka xariiqay in dalkan uu badbaadin iyo samata bixin iyaga uga baahan yahay.
Madaxweynaha wuxuu tilmaamay in Xaflad weyn loo qabanayo Xildhibaanada isla markana la gudoonsiin doono shahaadooyin balse wuxuu xusay in ay tahay in qof walba oo kamid ah uu Allah kaga cabsado Masuuliyada uu hayo oo ay si daacad ah Dalka ugu Adeegan.
“Meelaha qaar malaayiin Dollar ayaa lagu bixiyay hal kursi bal qofkaas muxuu doonaya ma in uu Dalkan badbaadiyo mise in uu rajadiisa god kusii rido” ayuu yiri Madaxweynaha oo Baarlamaanka cusub kala dar daarmay in ay ka fogaadan laaluush iyo musuq maasuq waxaana uu xusay in ay aad ugu faraxsan yihiin in Jubaland ay tahay meelaha ugu yaraa dhinaca Laaluushka Doorashooyinka Soomaaliya.
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA EE DOWLAD GOBOLEEDKA JUBBALAND EE SOOMAALIYA.
Comments are closed