Donald Trump oo dib u tirinta codadka doorashada ku tilmaamey fadeexad

troumMareykanka (NN) 27/11/2016

Hillary Clinton ayaa sheegtey in ay taageersan tahay dib u tirinta codadka doorashadii Maraykanka gaar ahaan saddex gobol, waxaana ay garab istaagtey musharaxa Xisbiga Cagaarka ee xujeeyey in dibm loo tiriyo codadka.

Dib u tirinta codadka gobolka Wisconsin oo bilaameysa maalinta berri ah ee Isniinta waxaa dalabatey Musharaxa Xisbiga cagaarka Dr. Jill Stein oo iyadu guud ahaan codadkii la dhiibtey ka heshay 1%.

Sababta ka danbeysa tirintan ayaa ah kadib markii koox aqoonhan dhanka Kunbuyuutarada ah ay sheegeen in ay dhici karto in saddexdaas gobol Mashiinada codeynta loo dhacay oo wax laga beddeley tirada si Donald Trump u soo baxo, waxaana ay Hillary Clinton ka dalbadeen in ay xujeyso in dib loo tiriyo codadka.

The Green Party scam to fill up their coffers by asking for impossible recounts is now being joined by the badly defeated & demoralized Dems

Madaxweynaha la doortey ee Maraykanka Donald Trump ayaa horey u sheegay in doroashada Maraykanku tahay mid lagu shubto, laakiin hadda wuxuu ka digay in dib loo tiriyo codadka saddex gobol kadib markii uu guuleystey, waxaana uu ku tilmaamey mid doqonimo ah.

Trump ayaa sheegay in dadku hadleen doorashadiina dhamaatey, ” waa in aan oggolaanaa natiijada soo abxdey, kadibna aan horey u soconaa” ayuu yiri Trump. Trump ayaa horey u diidey in uu ogolaanayo natiijada, wuxuu sheegay in marka keliya ee uu oggolaanayo ay tahay haddii uu guuleysto.

Hillary Clinton in ay oggolaato natiijada isla habeenkii doorashadu dhacdey ayaa la sheegayaa in uu sabab u ahaa Madaxweyne Barack Obama oo ku dirqiyey in ay qirato in laga guuleystey isla markaana u hambalyeyso Trump, sida ay qortey Politico.

Saddexda gobol ee dib loo tirinaayo codadkooda ee Wisconsin, Michigan iyo Pennsylvania ayaa Trump isku dar uu ka horeeyaa Hillary Clinton codad ka badan 100.000. Haddii tirada khaldan ay soo abxdo oo Hillary ku guuleysato saddexdan gobol ayey noqonaysaa in ay jaahwareer geliso is-beddelka Aqalka cad ee Maraykanka.

Dib u tirinta codadka ayaa la doonayaa in ay soo dhamaato 13 Diseembar todobaad ka hor inta aan Electrol collage isugu imaan 19 Diseembar Washington DC oo aysan dooran Donald Trump.

Comments are closed