Qaar kamid ah kuraasta Aqalka Hoose gaar ahaan kuwii lagu doortey Cadaado iyo Jowhar ayaa beesha caalamku sheegayaan in aysan u dhicin sidii loogu tala galay, gaar ahaan ergooyinka oo dadka qaarkiis iska soo qorteen iyo kuraas haween loogu talo galay oo rag u tartamey.
War saxaafadeedka Galmudug ayaa lagu yiri:
Annagoo ka amba qaadeyna habsami usocodka geedi socodka doorashooyinka iyo in doorashooyinku ay ku dhammaadaan si nabad ah oo xasilloon ayaa Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug wuxuu dacwad liddi ku ah Madaxa Wakiilka Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee ku sugan Galmudug u gudbiyey Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka, kadib markii maamulku uu arkay in xubintaas wakilka ka ah Guddiga Xalinta Khilaafaadka ay ku dhaqaaqday arrimo kabaxsan waajibaadkii shaqo, kuwaas oo qas iyo iska hor imaad ku abuuray bulshada, caqabado iyo turaan turooyinna ku ah habsami u socodka hawlaha doorashooyinka.
Haddaba, annagoo ka duulayna arrimahaas waxaan Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka ka codsaney inuu la nalagala laabto xubintaas nooguna soo badalo dad aan wada shaqeyn karno.
Dowlad Goboleedka Galmudug waxay cadeyneysaa, in ay diyaar u tahay in ay iskaashi buuxda layeelaneyso dhammaan Guddiyada loo igmaday doorashooyinka gaar ahaan Guddiga Xalinta Khilaafaadka, waxayna guddiyadaas ka rajeyneysaa in ay dhawraan Kona shaqeeyaan waajibaadka shaqo ee loo xilsaaray.
Xafiiska Madaxweynaha Galmudug
Email: cos@gaiffiodeggiffiso
Comments are closed