Qurbajoog Sweden oo Agab Caafimaad Maanta Munaasabad Lagula Kala Wareegayay

1Jigjiga (ESTVLIVE.COM) 27/11/2016

Marwo Maariya Cumar Cali oo ah muwaadinad u dhalatay DDSI  kana mid ah qurba joogta DDSI ee ku   dhaqan wadanka Sweden ayaa deegaanka soo gaadhsiiyay agab kala duwan oo ay ugu talagashay  adeegyada caafimaadka DDSI waxayna munaasabad lagula kala wareegayay agabka caafimaad ka  dhacday magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee huteelka city Crown.

2Waxaana ka soo qaygalay munaasabadii lagula kala wareegayay agabkan caafimaad masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali, maareeyaha wakaalada xidhiidhka arimaha qurba joogta DDSI mudane Badri Yuusuf, maareeye ku xigeenka Ururka horumarinta soomalida itoobiya mudane Cabdilaahi maxamed cabdi (dhagalaab)  iyo masuuliyiin kale oo iskugu jirta qurba joog iyo qaran joogba.

3Waxaana ugu horayntii ka hadlay munaasabadan wasiirka caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo  uga mahad caliyay marwo maariya cumar dareenka wadaninimo ee ay muujisay kuna keentay  agabkan caafimaadka ee ay ka soo iibisay wadanka dibadiisa waxaa kale oo uu wasiirku u mahad celiyay ururka horumarinta soomalida itoobiya oo hirgalisay soo qaaditaanka agabkan caafimaad  oo  soo mariyay masaafo aad u dheer maadaama oo laga keenay wadanka dibadiisa, wasiirka ayaa ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay agabkan caafimaad. Isaga oo tilmaamay in uu qayb-wayn ka qaadanayo dadaalada ay xukuumada DDSI  kor ugu  qaadayso tayada iyo fidinta  adeega caafimaadka DDSI.

4Dhankeeda marwo Maariya Cumar Cali oo ah qurba joogta ka soo jeeda DDSI ee ku nool wadanka Sweden oo ka hadashay munaasabadaasi ayaa ugu horayntii u mahad celisay masuuliyiinta xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay sheegtay in ay tahay xukuumadii hirgalisay is fahanka, wada shaqaynta iyo xidhiidhka ka dhexeeya qurba joogta iyo deegaanka. Waxaa kale oo ay u mahad celiyay marwo maariya masuuliyiinta ururka horumarinta somalida itoobiya oo suurta galiyay ayay tidhi soo qaaditaankii agabkan. Iyada oo sheegtay in agabkan caafimaad ee ay ku deeqtay deegaanka gaar ahaan xafiiska caafimaadka DDSI uu yahay agab ka  qayb-qaadanaya dadaalada lagu fidinayo adeegyada caafimaadka DDSI.

5Gabagabadii munaasabadan ayaa waxay marwo  maariy ku wareejisay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI furayaal iyo  liis ay ku qoran yihiin noocyada kala duwan ee agabka caafimaadka ee ay ku  deeqtay xafiiska caafimaadka DDSI. dhankooda ururka horumarinta soomalida itoobiya iyo xafiiska caafimaadka DDSI ayaa iyaguna shahaado sharafyo  gudoonsiiyay marwo maariya cumar, iyada oo  dhinaca kale xafiiska caafimaadka DDSI uu hadhimo sharafeed u sameeyay marwo maariya cumar cali iyo xubno kale oo qurba joog ah.

Comments are closed