Ninka weerarkan fuliyey ayaa markii hore gaarigiisa dusha kala maray dad ku sugnaa nawaaxiga xarunta Jaamacada, kadibna Mindi ku weeraray dadkii halkaasi ku sugnaa sida ay sheegeen ardayda jaamacada dhigata.
Waxaa muddo saacado ah la xiray gebi ahaan xarunta Jaamacada, iyadoo ay ardayda hoosta kasoo xirteen qololkii ay ku jireen. Dadka dhaawaca soo gaaray ayaa la sheegay in intooda badan ay qabaan dhaawacyo mindi kasoo gaartay sida ay sheegeen saraakiisha amaanka.
Wixii war ah oo kusoo kordha gadaal baan idiinka soo gudbin doonaa haduu eebo idmo.
Comments are closed