Madaxweynaha Puntland iyo wefdigiisi oo gaarey dalka Shiinaha

shuiShiinaha (NN) 28/11/2016

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaarey magaalada ugu weyn isla amrkaana ah xarnta ganacsiga ee Shanghai.

 

Dr.Gaas waxaa safarka ku weheliya masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Dawladda Puntland, masuuliyiin ka tirsan hay’adaha dawladda iyo saraakiil ka mid ah madaxtooyada Dawladda Puntland.

War ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Puntland ay soo dhaweeyeen saraakiil sare oo ka socota Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Shiinaha. Warka ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu kulamo la qaadan doono masuuliyiin kasocota Dowladda Shiinaha oo ay kawada hadli doonaan iskaashiga labada dhinac iyo mashaariic laga fulinaayo Puntland.

Sida Horseed Media horey u daabacdey, safarka Madaxweynaha ayaa la xiriira heshiisyo uu la gelaayo shirkado laga lee yahay dalka Shiinaha gaar’ahaan shirkadda CCECC taas oo ah shirkad dhisme, waxaana ay dooneysaa in ay Puntland ka hesho aagag ay ka baarto shidaal iyo macdan, iyo weliba oggolaansho la siiyo Maraakiibta Kaluumeysiga ee shirkad kale oo ku lamaansan CCECC mar Horseed Media wax ka weydiisey Madaxtooyada garoowe ayeysan ka jawaabin wararka la xiriira safarka Madaxweynaha ee dalka Shiinaha.

F

Comments are closed