EUNAVFOR ee ilaalada xeebaha Soomaaliya oo muddo kordhin cusub loo sameeyey

Vue sur le Siroco au port pétrolier de Doraleh, à Djibouti durant la mission ATALANTE 2013-2

Somalia (NN) 28/11/2016

Ciidamada ka socda Midowga Yurub ee markaaiibtooda dagaalku ay waardiyeyso biyaha Soomaaliya ayaa muddo labo sano ah loogu darey xiligoodi oo ku ekaa bisha diseembar ee sanadkan, waxaana ay sii joogi karaan ilamaa iyo 31 Diseembar 2018. Sidaas waxaa lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay EUNAVFOR.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale meel mariyey 11 milyan oo lacagta EURO ah oo lagu bixinaayo kharjiyaadka guud.

European Union Naval Force Somalia Operation Atalanta (EUNAVFOR) ayaa lagu dhawaaqey bishii Diseembar 2008, kadib markii burcadbadeeda Soomaalidu ay afduub ku bilaabeen maraakiibta ganacsiga ee mara biyaha Soomaaliya ama ku soo dhawaada.

Dhaman maraakiibta u socota Soomaaliya ayaa ka hor inta aysan ka bixin ama soo gelin dekadaha Soomaaliya iska diiwaan geliya maraakiibta shisheeye ee ku sugan biyaha Soomaaliya.

Hawl-galadii Burcadbadeeda ayaa hoos u dhacay, mana jirin labadii sano ee u danbeysey hal markab oo Burcadbadeedu soo qafaalatey, sidoo kale waxaan jirin Markab ku jira gacanta Burcadbadeeda, marka laga reebo badmaaxayaal dalka Iran u dhalatey

Comments are closed