Koox hubeysan oo gudaha u galay xarunta jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho

muqMuqdisho (NN) 28/11/2016

Koox hubeysan ayaa gudaha u galay xarunta jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Dableyda hubeysan ee u gudaha u galay jaamacadda ayaa ku labisnaa dereeska ciidanka dolwdda Soomaaliya, waxa ayna dhammaayeen lix qof sida uu warbaahinta u sheegay gudoomiyaha jaamacadda Daahir Xasan Cabdi.

Waxa uu intaasi ku daray gudoomiyaha jaamacadda SIMAD Daahir Xasan Cabdi in raga hubeysan ee gudaha u galay jaamacadda ay xabado ridayeen, taasna ay keentay in ardayda qaarkood derbiyada ka boodaan .

…Jaamacadda ma lahan wax ilaalo ah, ardayda casbi ayaa ku beermay arintan markay dhacday oo koox koox ayey u taagnaayeen iyagoo ka muuqatay cabsi ayuu yiri gudoomiyaha jaamaacadda SIMAD Daahir Xasan Cabdi

Sababta keentay in rag hubeysan ay guda u galaan jaamacadda ayuu gudoomiyaha ku sheegay in kooxdaasi ay doonayeen in ardayda ka furtaan moobilada iyo agabka kale ay wateen. iyadoo qaarkood ardayda ay ka qaateen moobiladii ay wateen.

Comments are closed