Dagaal U Dhexeeya Xoolo-dhaqato iyo Al-shabaab oo ka socda Koonfurta Mudug

xoloXaradheere (NN) 28/11/2016

Wararka  ka imaanaya degaamo hoostaga degmadda Xarardheere ee gobolka Mudug, ayaa sheegayaa inuu markale halkaasi uu ka bilowday dagaal culus oo u dhexeeya dad xoolodhaqato ah iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ka howlgala degaamadaasi.

Dagaalka oo ka dhacaya degaannada Dabagalo iyo Dumaaye, ayaan ilaa iyo hadda la ogayn khasaaraha ka dhashay, hase yeeshee, qaar ka mid ah Dadka degaannadaasi oo lasoo xiriiray Warbaahinta dowladda  waxay sheegeen in khasaare nafeed iyo min hantiyeed uu soo gaaray  labadii dhinac ee dirirayay.

Dagaalkan ayaa la sheegayaa inuu ka bilowday markii kooxda Al-shabaab ay ka bilaabeen degaamadaasi ururinta Sakadada xoolaha, taasi oo ay diideen dadku, dagaalna ay kaga hor yimaadeen.

Dhinaca kale, Wasiirka amniga maamulka Galmudug Cismeen Ciise Nuur Taar Dhuleed, ayaa sheegay In ciidamada Galmudug ay qayb ka yihiin  dagaalka Dumay ee u dhexeeya dadka xoolo-dhaqatada ah iyo kooxda Al-shabaab, waxaana u sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen Al-shabaab, inkastoo uu san sheegeen tiradooda.

Degaamadaasi dagaalku ka socda waxaa sidoo kale ku dhufatay Abaar iyo biyo la’aan saamaysay dadkii iyo Duunyadii ku noolnayd

Comments are closed