Qormadii 1Aad Daruurtii Horomarka Oo Ka Dull Hoortay DDSI & Hogaamiye Ku Dayasho Mudan

14971963_1848573875420321_1930320724_n-960x400Maqaal (ESTVLIVE.COM) 29/11/2016

Madaxwaynayaashii Hore Ee Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya  Oo  Hambalyeeyay Kuna Bogaadiyay  Horomarka Iyo Badhaadhaha Uu U Horseeday Dalkiisa Waxay Marag Cad U Tahay Horomarka Muuqda Uu U Horseeday Dadkiisa Iyo Dalkiisa Hooyo

image-2

Diiwaanka Taariikhdu waa mid furan Qalinkuna waa mid u diyaara in lagu qoro Dhacdooyinka Maalinlaha ah ee Qadarka Eebe ku socda,waxaana DiiwaanadaTaariikhda ku qoran Madaxwaynayaal Bulshooyinkii ay xukumayeen u horseeday in ay ku noolaadaan Horomar iyo Badhaadhe waxaana Safka hore kaga jira Madaxwaynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar waxaana hubaala in Taariikhdu halmaamin Hogaamiye kasta oo u hagar baxay in uu Horormar gaadhsiiyo Bulshadiisa iyo Dalkiisa Hooyo .

Hogaaminta iyo Kartidu waa galad Eebee waa Sadaro hufan oo ku haboon in aan Diirada Qoraaga ku qabto Daruurtii Horomarka oo ka dull hoortay Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo hogaamiye Bulshadiisa u horseeday Nabad, Horomar iyo Barwaaqo ay gaadheen Xukuumada iyo Shacabka Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Madaxwayne Hansan,Hall adag,Hadaf cad.oo Higsi fog,Madaxwayne Hawlkara oo Dadkiisa ku Hogaamiyay Himiloooyin iyo Qorshayaal fog oo Bulshadiisu ay Muddo badan tabayeen,  Madaxwayne u Hagar baxay siday Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya uga Saari lahaa  dib u dhac hortii jiray Allena ku guuleeyay .

Waa qormooyin aan ku habeeyay Baalasha Dahabka ah ee ku xardhan Diiwaanka Taariikhda  Madaxwayne Hilaadin leh oo Heegan u ah Horomarka Shacabka iyo Xukuumada Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Miyi iyo Magaalaba kana war haya noloshooda,Madaxwayne ka midho dhaliyay Hamigiisii ahaa in Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay hesho Ciidan adag oo ka Hortagi kara baabiina kara Shirqoolada Dhagaraysan ee Kooxaha Nabad diidka ah ee cadawga u ah Nolosha Bulshada Geeska Afrika ku dhaqan iyadoo Shacabka Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay maanta ku nool yihiin Nabad buuxda,Madaxwayne Hantay Quluubta Shacabkiisa, Madaxwayne kor u qaaday Haybada, Sharafta ,Hidaha ,Afka iyo Dhaqanka Bulshada Soomaaliyeed,Madaxwayne Hirgaliyay Qorshayaal cad oo Horomarineed oo ay kula qaybsanayso Dawlada Deegaanka Soomaalidu Horomarka guud ee ka hana qaaday Dawlada Faderaalka Itoobiya .

Araartaa aan gundhiga uga dhigay Qoraalkaygu halkaa ha ii joogtee waxaan Qormooyinka danbe Diirada ku saari doonaa Mashaariicda Horomarineed ee Madaxwaynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar  ka Hirgaliyay Deegaanka balaadhan ee Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya isagoo Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar Horomarka ka bilaabay Xoojinta Midnimada iyo Isku duubnida qaybaha kala duwan ee Bulshada Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Jaaliyadaha Dibadaba isagoo Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar soo gaadhsiiyay in Bulshada Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay Noqdaan Madax iyo Mijo Bulsho Awood badan oo Noloshooda saldhig u tahay Nabad,Midnimo,Wadajir,iyo Horomar ball hada aynu dull joogsano Kaalintii Hogaamineed ee Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar.

Xoojinta Midnimada Bulshada Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Madax Iyo Shacaba

d

Waxay Taariikhdu ka marag kacaysaa in markii Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar loo doortay Hogaaminta Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya uu xooga saaray Xoojinta Midnimada Bulshada isagoo Talaabdaa ku xaqiijay Wacyi galin Xoogan iyo Shirar uu u qabtay Bulshada qaybaheeda kala duwan iyadoo Hogaaminta Suuban ee Madaxwayne Cumar ay u horseeday in Siyaasiyiinta, Madaxdhaqmeedka, Aqoonyahanka, Culumada, Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada waxayna keentay in ay Xoogaysato Midnimadii iyo Wadajirkii Bulshada Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya isagoo Madaxayne Cabdi Maxamuud Cumar waxuu Curiyay Shirwaynihii Koboca Dhaqaalaha ee Shacabka iyo Xukuumada Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee ka qabsoomay Caasimada Jigjiga 20/7/2015.

image

Mar kale Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar waxuu Guulo ka soo hooyay Safaro badan uu ku tagay Wadamada Carabta . Yurub , Ustareeliya iyo America isagoo Madaxwayne Cumar Kulano iyo Shirar kula yeeshay Qurba Joogta Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya kana  midho dhaliyay Ujeedadiisii ahayd Xoojinta Midnimada Shacabka Dibad iyo Gudaba iyadoo Talaabada uu qaaday Madaxwayne Cumar  meesha ka saartay Been iyo Borobagaando ay kooxaha Nabad Diidku ku Beer laxawsanayeen Qurba Joogta Dawlada Deegaanka Soomaalia Itoobiya .

 Mar kale waxuu Madaxwayne Cumar ugu baaqay Qurba joogu in ay Maalgashadaan Dalkooda Hooyo waxaase iswaydiin mudan ma jiraa Madaxwayne kale oo Shacabkiisa kala tashada Horomarinta Dalkooda Hooyo ? Jawaabtu waxay tahay ma jirto maan arag Madaxwayne Shacabkiisa kala tashada waxayna Talaabadaa uu qaaday ka dhigtay Hogaamiye ku dayasho mudan iyo Hormoodka Madaxwaynayaasha Soomaalida ah.

Waxaan Qormada ku soo Afmeerayaa Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar waxuu Bulshada Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya soo gaadhsiiyay in Dareen mida iyo Aragti mida kaga Jawaabaan  Xaalad kasta oo lasoo Gudbaanaata  sida Mudaharaadkii Shacabka iyo Xukuumada Dawlada Deegaanada Soomaalida Itoobiya ku Xaqiijiyeen Kalsoonida ay ku qabaan Dawlada Faderaalka Itoobiya

Ugu danbayn  halkan ka Akhri Magacyada Madaxwaynayaashii soo maray Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya  .

image-1        

Axmed makaahiil
Cabdiraxmaan Ugaas Muxumed Qani
Iid Daahir Faarax
Khadar Macalin
Cabdirashiid Duulane
Cabdi Jabriil
Cabdulaahi Xasan
Dauud Maxamed Cali
Cabdi Maxamuud Cumar

 Qalinkii Abwaanka iyo Qoraaga Sacad  Maxamuud Cumar Sacad X Gadhle Hargaysa S/land                 Tell 0634669910  waryaqaan@gmail.com

Comments are closed