Wasiirka Horumarinta Xoolaha Iyo Reerguuraaga DDSI Oo Ka Warbixisay Diyaar Garowga Xuska Maalinta Xoolo Dhaqatada.

0000fdma1JIGJIGA (estvlive.com) 29/11/2016

Dawlada deegaanka soomalida itoobiya ayaa sanadkan martigalinaysa munaasabada 16aad ee xuska maalinta xoolo dhaqatada dalkeena itoobiya taasi oo ka dhicidoonta caasimada DDSI ee jigjiga 17ka bisha Dir, 2009TI.

Haddaba, wasiirka horumarinta xoolaha iyo Reer-guuraaga DDSI marwo Faadumo Cabdilaahi Takhal oo xafiiskeeda ugu waramasay warbaahinta DDSI  ayaa ka warbixisay diyaar garowga loogu jiro marti galinta xuska maalinta xoolo dhaqatada dalkeena itoobiya. Wasiirka ayaa sheegtay in la dhisay   gudiyo kala duwan oo  heer deegaan ah iyo gudiyo isku dhafka oo ah heer deegaan iyo heer fadaraal ah  kuwaasi oo ku hawlan hirgalinta qorshe hawleedkii loogu diyaar  garoobayo  marti galinta  munaasabada  16aad ee  xuska maalinta xoolo dhaqatada dalka itoobiya.

Mar ay ka waramasay  wasiirku ahmiyada ay leedahay munaasabada xuska maalinta xoolo  dhaqatada ayaa waxay sheegtay in munaasabadan oo  2dii sano halmar lagu xuso mid ka mid ah deegaanada xoolo dhaqatada ah ee ay ka mid ka yihiin deegaanka somalida itoobiya, Canfarta, Oromada iyo deegaanka shucuubta koonfurta itoobuta ay tahay mid kaalin wayn ka qaadata horumarinta xoolo dhaqatada taasi oo xubnaha horumuudka ah ee xoolo dhaqadada lagu siiyo  abaalmarino kala duwan oo dhiiragalin ah islamarkaana ay xoola dhaqatada deegaanada dalkeena itoobiya  isku waydaarsadaan aqoon korodhsi iyo khibrad wadaag.

Ugu danbayntii wasiirka ayaa sheegtay in si meeqaam sare ay xukuumada DDSI iyo xafiiska horumarinta Reer guuraaga DDSI  ugu diyaar garoobeen martigalinta xuska 16aad ee maalinta xoolo dhaqatad dalkeena itoobiya.

Comments are closed