DAAWO Kooxda Daacish oo sheegatay weerarkii Ohio State University – VIDEO

dacishColumbus (estvlive.com) 30/11/2016

Ururka Xagjirka ah ee Daacish ayaa sheegatay in ay masuul ka yihiin weerarkii uu wiil Soomaali ah ku qaaday Jaamacada Ohio State ee magaalada Columbus Isniintii lasoo dhaafay.

Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay 11 qof, waxaana toogasho lagu dilay wiilkaasi oo lagu magacaabo Cabdirisaq Cali Cartan oo kamid ahaa ardayda wax ka barata Jaamacadaasi Ohio State.

Qoyska Cabdirisaaq ayaa kamid ahaa dadka Qaxootinimada lagu keenay dalka Maraykanka, waxaana la sheegay inuu wadanka Maraykanka tagay labo sano kahor. Wiilkan ayaa lagu sheegay inuu ahaa arday wanaagsan oo ku fiican waxbarashada, wallow aan la aqoon waxa ku kalifay falkan uu geystay.

Saraakiisha baaritaanka ku wada weerarkan qaabka uu u dhacay ayaa sheegay inay eegayaan in wiilkan uu wax xiriir ah lalahaa kooxaha Xagjirka ah sida Daacish oo iyagu taageerayaasheeda horey ugu baaqday inay geystaan weeraro noocaan ah.

Hooyada dhashay wiilkan oo ku sugan magaalada Columbus ayaa sheegtay inaysan marna fileyn inuu wiilkeeda fal noocaan ah geysan doono, waxaana hada jirta cabsi weyn oo lasoo gudboonaatay Soomaalida ku nool dalka Maraykanka oo ka cabsi qaba in ay bartilmaameed u noqdaan kooxaha muslimka neceb.

H

Comments are closed