Magaalada Diredawa oo ka socdo Shirweyne S.D.G. Masuuliyin DDSI ka Qeybgalay

15241797_209580349452137_5138262439827227093_nDiredawa (estvlive.com) 30/11/2016

Magaalada Diredawa ayaa waxaa lagu qabtay Kulan weyne ay ka soo qeybgaleen Masuuliyiin ka socota Deegaanka DDSI, Hararida, iyo Maamulka Diredawa, Waxaana kulankan soo agaasimay Komishinka Qorshaynta Fadaralka itoobiya Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlayaa SDG (Sustainable development goals) Masuuliyiinta DDSI ee ka soo qeybgalay ayaa waxaa kamid ahaa Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda DDSI Mudane Jamal Farax, Wasiir Kuxigeenka Biyaha DDSI, Mudane Cabdixaliim, Wasiir Kuxigeenka TVET-Ka DDSI  Mudane Cabdirisaaq Saxane, Wasiir Kuxigeenka Jidadka DDSI Mudane Cabdulaahi Garbo, Mareeyaha Kuliyadda Maclimiinta DR C/majiid Mudane Maxamuud axmed Nuur (Heeryo) Wasiir Kuxigeen Dhalinyarada DDSI Cabdushukri Cisman, Mareeyaha Wakaalada Diwaangalinta Dhacdooyinka Muhiimka ah DDSI Marwo Amiina Ibraahim.

Ujeedada shirka waa diyaarinta Qorshaha SDG ga ee ilaa 2030. Waxaa ka hadlay Masuuliyiin sare shirkaasi in la sameeyo dadaallo Wadajir ah oo looga Miro-dhalin karo ujeedooyinkii ay horay loo saxiixay oo ay ka mid yihiin; In laga Cirib-tiro Saboolnimada iyo in isla markaana laga Hirgeliyo Mustaqbal Waara. dalka iyo Deegaanada Masuuliyiinta halkaasi ka hadlay ayaa xusay.

“Ujeeddooyinkeennu waa cad yihiin. Hadafkeennuna waa suuro-gal. Waxaanan doonayno waa inaan  ka ciribtirno saboolnimada marka aynu gaarno sanadka 2030-ka, si aan u helno nolol hormar nabadgalyo iyo maamul suban iyo sharaf leh,

Waa in hoosta laga xariiqo  Go’aanno Cad-cad looga gaarayo sidii loo Suuro-gelin lahaa ujeeddooyinka la doonayo in Sannadka 2030-ka la gaaro, kuwaasoo ay ka mid yihiin 17-qorshe oo xudun u ah Himilooyinka wax-ku-ool ah ee Salka ku haya Horumarka Waara.

Ugu dambeyntii Shirweynha ayaa waxaa lagu soo gabagabeyn doono mudo labo cisho wixii ka soobaxa kala soco wararka dambe..

Comments are closed