DAAWO Baarlamaanka Colombia oo ansixiyey heshiiska Colombia -VIDEO

bogota-jpgColombia (NN) 01/12/2016

Heshiiska cusub ee Xukuumadda Colombia iyo Jamhadda FRAC ayaa la ansixiyey. Heshiiskan ayaa asalkiisi waxaa lagu diidey afti dadweyne, kadib markii meelo badan wax laga soo bedalay ayaa waxaa meel mariyey Baarlamaanka dalkaas.

Tanaasulaad

Heshiiska cusub ayaan la horgeynin dadweynaha si afti labaad loogu qaado, sida kii hore oo kale, laakiin waxaa tanaasulaad badan laga sameeyey kii hore, in afti loo qaado ayaa ahayd mid lagama maarmaan an maadaama heshisku wax ka bedalaayey Dasuurka dalkaas.

Heshiiska cusub ayaa waxaa la bedalay ugu yaraan 50 qodob oo u badnaa kuwa su’aalaad laga keenay.

Jamhadda FARC ayaa laga doonayaa in muddo 5 bilood ah gudaheed ay hubka ku dhigaan, kadibna ay dhistaan Xisbi siyaasadeed.

Heshiiskan waxa uu soo afjarayaa dagaaladii ugu dheeraa ee Adduunka, in ka badan 52 sano ayaa khilaafka Colombia soo taagnaa.

Madaxweynaha Colombia Juan Manuel Santos ayaa bishii hore loo magacaabey in uu ku guleystey Abaalmarinta Nabadda ee Nobel, waxaana lagu wadaa in horraanta bishan Diseembar uu yimaado Oslo si uu u qaato abaaalmarintiisa.

Comments are closed