DAAWO Indonesia: Muslimiinta oo kasoo horjeestay Guddoomiyaha Jakarta oo lagu eedeeyey inuu Quraanka Aflagadeeyey – VIDEO

indunisaIndonesia (NN) 02/12/2016

Maanta oo Jimce ah ayey boqolaal kun oo Muslimiin ah mudaharaad ka dhigeen bartamaha caasimada Indonesia ee Jakarta, waxayna ku baaqayeen in xabsiga la dhigo Guddoomiyaha cusub ee gobalkaasi Jakarta.

Gudoomiye Mr.Basuki Tjahaja Purnama oo loo yaqaan (Ahok) ayey ururada Muslimiinta ku eedeeyeen inuu meel uga dhacay Kitaabka kariimka ah isla markaana sheegeen inuusan ka talin karin magaalada Jakarta oo ay Muslimiinta ku badan yihiin. Mr.Ahok ayaa isagu ah Kirishtaan.

Ninkan ayaa xiligii uu ku jiray Doorashada sheegay in Murashaxiinta kasoo horjeeda ee Muslimiinta ah ay si khaldan Quraanka u isticmaalayeen xiliga doorashada, iyagoo buu yiri soo qaatay Aayadaha ah in Muslimiinta aysan u codeyn karin qof aan Muslim aheyn, sidaana ku doonayeen inay doorashada uga guuleystaan.

Booliiska ayaa sheegay inay baaritaan ku wadaan dacwada laga keenay Guddoomiyaha Jakarta oo isagu raali gelin ka bixiyey hadalkan, balse sheegay inuusan wax danbi ah gelin. Dacwada ka dhanka ah Mr.Ahok ayaa hada waxa gacanta ku haya Xeer illaalinta.

jakarta-mudaharaad-ahok2

Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo oo ay xulafo dhanka siyaasada ay yihiin Guddoomiyaha Mr.Ahok ayaa Jimcihii maanta Salaada kula tukaday Boqolaal Kun oo isugu soo baxay bartamaha Jakarta, wuxuuna salaada kadib hadalo kooban oo uu halkaasi kasoo jeediyey uu ugu baaqay shacabka inay joojiyaan banaanbaxa, walow dadkii halkaasi ku sugnaa ay ku dhawaaqayeen erayo ay kamid ahaayeen “…Xabsiga Hala dhigo Mr.Ahok…”.

Taliyaha Booliiska Indonesia Tito Karnavian oo isaguna kamid ahaa mas’uuliyiintii la hadlay dadka Mudaharaadka dhigaya ayaa u sheegay in ay shacabka wakhti siiyaan dacwada hortaal Maxkamada oo ay joojiyaan mudaharaadyada. Booliiska ayaa ka cabsi qaba in banaanbaxyadan rabshado isu bedalaan sidii dhacday 4tii bishii November oo banaanbax looga soo horjeeday Guddoomiyaha Jakarta uu isu bedalay rabshado uu ku dhintay hal qof.

Comments are closed