DAAWO Austria: Doodii Murashaxiinta Madaxweynaha oo isu bedashay is aflagaadeyn & hadalo kulul – VIDEO

asutraliaAsutralia (NN) 02/12/2016

Axada soo socota ayaa lagu wadaa in wadanka Austria ay markale ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha oo ay isugu soo hareen labo murashax oo ah kuwo si weyn u kala fog dhanka siyaasada.

Mr.Norbert Hofer oo ah Murashaxa xisbiga Cunsuriyiinta lagu tilmaamo iyo Murashaxa Alexander Van der Bellen oo horey usoo hogaamin jiray xisbiga Cagaarka ayaa khamiistii xalay doodii telefishinka ee loo qabtay hadalo kulul isku dhaafsaday.

Tartanka ayaa ah mid aad u adag oo ay labada murashax sida la saadaalinayo cododka ay heystaan ay aad isugu dhaw yihiin.

Murashaxa Norbert Hofer ayaa haduu ku guuleysto Doorashadan noqon doona Madaxweynihii ugu horeeyey ee xisbiyada Garabka Midig oo hogaanka la wareega dal ka tirsan Midowga Yurub. Xisbiga Hofer ayaa si weyn uga soo horjeeda dadka soogalootiga ah gaar ahaan Muslimiinta.

Murashaxa Alexander Van der Bellen oo isagu hada si madax banaan tartanka ugu jira ayaa horey u hogaamin jiray xisbiga Cagaarka ee dhanka bidix, wuxuuna ku guuleystay doorashadii dhacday bishii May, balse natiijadii doorashadaasi ayaa la laalay kadib markii la sheegay inuu dhacay khalad dhanka tirinta cododka ah.

Murashaxa Xagjirka ah ee Hofer ayaa xalay xiligii dooda socotay weerar kulul ku qaaday Alexander Van der Bellen oo uu ku tilmaamay inuu yahay “…Shuuci…” iyo “…Basaas…”, wuxuuna Murashax Bellen uu isaguna ku sheegay Hofer inuu yahay “…Beenaale aan xishoon…”.

Murashaxa Alexander Van der Bellen ayaa isagu si weyn uga soo horjeeday Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump, halka Murashaxa kale ee Mr.Hofer uu si weyn u taageersanaa Trump, wuxuuna sheegay inuu xiriir wanaagsan la yeelan doono xukuumada cusub ee Maraykanka.

Comments are closed