RW Kuxigeenka dalka Itoobiya oo Godey Siweyn Loogu Soo dhaweeyay

damakeGodey (estvlive.com) 03/12/2016

Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Raysil-wasaare ku xigeenka JDFI mudane Demaqe Mukonnon oo ay  ku wehilinayaan wasiirka arimaha fadaraalka iyo xoolo dhaqatada JDFI mudane Kase  Tegle Burhaan, Maareeyaha guud  kuliyada tababarada  hogaaminta sare  ee Males mudane Adisu Lagase iyo masuuliyiin ka socday dawlad deegaanada dalka  ayaa galabta ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada goday.

damke2Waxana,si meeqaam sare ah ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada goday masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenada DDSI, afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI  mudane maxamedrashiid isaaq, masuuliyiin heer deegaan ah , masuuliyiinta maamulka gobolka shabeele, maamulka magaalada goday, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada goday, dhankooda  kooxaha fanka iyo suugaanta ee  maamulka magaalad goday ay ku soo dhaweeyeen waftigan, ciyaaraha dhaqanka  DDSI.

0000dhaqe5Soo dhawayn ka dib, waxay waftigan si wada jir ah u booqdeen iskaashatooyinka beeralayda ah ee ku hawlan wax soo saarka dalaga kala duwan, beerahaasi la booqday ayaa laga hirgaliyay  tuulada  kunka oo ka tirsan degmada goday  taasi oo ay waftigani u kuurgaleen geedi socodka wax soo saarka iskaashatooyinkan iyaga oo  warbixinana ka dhagaystay  xubnaha beeralayda ah.

Waxayna waftigan xili danbe oo habeen ah ka soo baxeen magaalada goday iyaga oo caawa 8:00 fiidnimo soo galay magaaladda qabridahar wakhti xaadirkana ku sugan magaalada qabridhar.
Socdaalka waftigan kala soco wararkayaga danbe

Comments are closed