Madaxweynaha Somaliland oo isku Shaadhayn ku Sameeyay Golloaha Wasiiradda Xukuumadiisa.

iilaanyoHargeysa (NN) 04/12/2016

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xalay saqdii dhexe isku shaadhayn isugu jirta xilka qaadis, isku bedel, iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida ah xukuumadiisa.

Wareegtada waxaa kaloo lagu magacaabay Wasiiru dowlayaal, Wasiiro K/xigeen, Guddoomiyayaal Gobol, Agaasimayaal cusub, Wakiilo  Somaliland u fadhiyi doonaa wadamada ingiriiska, Ethiopia, Jabuuti iyo dalka Sweden. Waxaa kale oo magacaabay guddoomiyaha cusub ee Bangiga dhexe, agaasimaha Telefishanka iyo raadiyaha Somaliland, Waxaa sidoo kale lagu soo kordhiyay gollaha xukuumad Wasaaradda cusub.

 

Wasiirka cusub ee wasaaradda Biyaha  ayaa loo magacaabay Xuseen Cabdi Boos, iyadoo xilkaasi laga qaaday Baashe Cali Jaamac. Waxaa kaloo xilkii laga qaaday Wasiirkii dhalinyardda iyo ciyaaraha Cabdullaahi Faarax Maydhane, iyadoo xilkaasina loo magacaabay Cabdirisaaq Waaberi Rooble

Wasiirkadda, Wasiiru dowlayaasha iyo Wasiir k/xigeenada  La Magacaabay.

Khadar X. Yuusuf Cabdillaahi, waxaa loo magacaabay  Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Somaliland.

Maxamed Axmed Obsiiye, waxaa loo magacaabay  Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland.

Maxamed Ibrahim Aadan (Qabyo-tire, waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, iyadoo Wasiirkii hore ee Qorshaynta Cali xuseen Ismaaciil  (Cali shoombe), waxaa loo magcaabay Wakiilka Somalialand ee Ethiopia

[AdSense-A]

Maxamuud Warsame Jaamac, waxaa loo  magacaabay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland

Mustafe Maxamuud Cali Bile, waaxaa laga dhigay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Somaliland.

Axmed Xaashi Cabdi, waxaa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Madaxtooyada ee Somaliland.

Guuleed Cabdi Xasan, waxaa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee Somaliland.

Liibaan Yuusuf Cismaan, waxaa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Somaliland.

Mustafe Faarax Abraar, waxaa loo magacaabay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee Somaliland.

Cali Maxamuud Cali Samatar, waxaa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Somaliland.

Axmed Xuseen Rooble (Axmed Joqor), wuxuu noqonayaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland.

Maxamed Sheekh Cumar Xasan, waxaa loo magacaabay  Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Somaliland.

Khadar Axmed Diiriye, waxaa loo magacaabay  Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Somaliland.

Yuusuf Ismaaciil Umal (Yucuboole), waxaa loo magacaabay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland.

Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud Warsame, waxaa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Somaliland.

Axmed Maxamuud Nuur waxaa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland.

Gees kale, Wareegtadda Waxaa Axmed Maxamed Caalin (tiimbaro) guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ee Caasimadda Hargaysa, waxaa kaloo gobolka Sool,  loo magacaabay guddoomiye Cusub oo lagu magacaabo Cabdi Khayre Dirir, iyadoo guddoomiyaha gobolka Togdheer loo magacaabay Maxamuud Cali Saleebaan.

Gabagabadii, isku Shaandhaaynta cusub ee lagu sameeyay ayaa imaanaysa iyadoo saddex bilood oo kaliya ay harsan tahay waqtiga ay talada hayso  xukuumadda uu hoggaamiyo Siilaanyo, iyadoo sanadka  soo socda la filayo in degaamadaasi ay doorasho madaxweynenimo ay ka dhici doonto.

Comments are closed