Madaxweeynaha ayaa markii uu soo dagay salaam sharaf ka gudoomay ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya, waxaana intaa kadib uu madaxweeynuhu salaam la dhexqaaday qeybihii kala duwanaa ee bulshada ee halkaasi kusoo dhaweeyay.
Masuuliyiintan ayaa intaa kadib qeybta nasashada ee garoonka Kismaayo warbaahinta kula hadlay, waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay Madaxweeynaha maamul goboleedka Jubaland Axmed Max’ed Islaam, isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in ay magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyaan madaxweeynaha Soomaaliya.
Madaxweeyne Xasan Sheekh oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu ka mahadcelinayo sida diiran ee loo soo dhaweeyay, isagoo sheegay in uu ku faraxsanyahay horumarka iyo isbadalka ka jira Jubaland, isagoo sheegay in arrin lagu farxo ay tahay in Kismaayo ay maanta kamid tahay magaalooyinka sida weyn uu uga socdo ololaha doorasho ee dalka.
[AdSense-B]
Waxa uu sheegay in ujeedada imaatinkiisu qeyb ka tahay ololihiisa doorashada, isagoo xusay in inta uu joogo Kismaayo uu kulammo la qaadan doono madaxda Jubaland iyo weliba mudanayaasha labada aqal ee dalka ee dhawaan lagu doortay Kismaayo.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa mudooyinkii u danbeeyay soo gaarayay musharixiinta u tartameeysa xilka madaxweeynaha dalka, waxaana musharixiinta ilaa hadda KIsmaayo soo gaaray kamid ah Raysul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, Musharax Siciid C/dullaahi Daani, C/raxmaan C/shakuur, Cali Xaaji Warsame, Max’ed Axmed Nuur Tarsan iyo Musharax Jibriil Ibraahim C/dulle.
Comments are closed