DAAWO Syria: Ruushka iyo Shiinaha oo VETO saarey qaraar UN-ku ka gaari lahaa Xalab -VIDEO

alepppo-jpgSiiriya (NN) 06/12/2016

Labada dal ee kamid ah dalalka iska leh diidmada qayaxan ee VETO Ruushka iyo Shiinaha ayaa VETO u isticmaaley qaraar ay u codeeyeen Qaramada Midoobey oo dhigaayey xabbad joojin 7 maalmood ah oo ka hirgasha magaalada dagaalku rafaadiyey ee Alepo (Xalab) dalka Siiriya.

Qaraarka qabyada ah waxaa ka soo wada shaqeeyey dalalka New Zelean, Masar iyo Spain, waxaana ay daladeen 7 maalmood oo xabbad joojin ah.

Qaraarka ayaan socon kadib markii Ruushka iyo Shiinaha ay ka soo horjeesteen, Venezuela oo kamid ah 15 dal ee Golaha AMaanka ayaa iyaguna Maya u codeeyey, 11 dal oo kale ayaa Haa u codeeyey halka dal kale uu ka aamusey.

Qaraarka qabyada ah ee diidmada lagu aamuisiyey ayaa dhigaayey in bariga Xalab laga saaro dadka waaweyn, kuwa xanuunsan iyo kuwa ku dhaawacmey dagaalada ee rayidka ah.

Ruushka ayaa sheegaya in xabbad joojintu ay fursad siineyso mucaaradku in ay dib isu habeeyaan oo is dhisaan.

Dalka Ruushka ayaa si weyn u taagara Xukuumadda Bashar Assad, waxaana qorshihiisu yahay in maalmahan Jamhadaha ku kacsan Bashar banaanka looga saaro magaalada Xalab.

Comments are closed