Ciidanka Puntland ayaa labo jiho ka galay degmada Qandala dhinaca badda iyo berriga, iyadoo aysan wax iska hor imaad ah kala kulmin kooxdii ku sugnayd oo isaga baxay degmada
[AdSense-B]
Ilaa iyo hadda lama oga halka ay u baxsadeen kooxdii ku sugnayd degmada Qanada, balse waxaa la rumeysan yahay in ay u baxsadeen dhinaca buuraha.
Puntland ayaa sheegtay in dhawaan warbaahinta u soo bandhi doonto howl galkii ka dacay degmada Qandala.
Comments are closed