Booliska Norway oo shir saxaafadeed qabtey maanta oo Arbaca ah ayaa caddeeyey qirasahada wiilka 15 sano jirka ah ee dilka ka danbeeyey.
Gelinkii danbe ee isniintii ayey aheyd markii wiil somalia ah oo lagu magacaabo Yacquub Cabdullaahi oo 14 jir ah iyo haweeneyd u dhalatey dalka Norway oo 40 jir ah mindi lagu diley isla goob, labada qof ee la diley wax xiriir ah oo ka dhxeeyey ma jirin, sida ay warbaahinta Norway qortey, kuwaas oo dilkooda la wada xiriirin karo.
[AdSense-A]
Wiilka dilka geystey ee 15 sano jirka ah ayaa la qabtey habeenimadii xalay ee Salaasada sida uu qorey Raadiyaha Norway ee NRK . Waraysigii ugu horeeyey ee lala yeeshay ayuuna ku qirtey in uu isagu diley labada qof, sida uu sheegay Terje Skaar oo u hadley Booliska.
Boolisku waxay sheegeen in wiilka dilka geystey uu bixiyey macluumaad faah-faahsan laakiin aanu dooneyn in ay shaaciyaan hadda, sida uu sheegay Terje Skaar.
Wiilka dilka geystey ee 15 jirka ah iyo kan uu diley ee Soomaaliga ah ayaa Boolisku sheegayaan in aqoon ka dhexeysey. Boolisku weli kama hadlin sababta wiilkan dilka uu u fuliyey.
Comments are closed