DAAWO USA: Trump oo u hanjabay Shirkada Diyaaradaha Sameysa ee Boeing – VIDEO

trump_boeing-620x412Mareykanka (NN) 07/12/2016

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu joojin doono mashruuca lasiiyo Shirkada Maraykanka laga leeyahay ee Boeing oo ah tan sameysa Diyaaradaha lagu qaado Madaxweynaha Maraykanka ee loo yaqaan [Air Force One].

Shirkada Boeing oo kamid ah shirkadaha ugu waaweyn ee Maraykanka isla markaana diyaaradaha u sameysa Militariga Maraykanka iyo Waliba Madaxtooyada ayaa wada mashruuc ay ku dhiseyso labo diyaaradood ee loogu talo galay Madaxweynaha, kuwaasi oo noocoodu yahay 747 ayaa lagu qiyaasay inay ku bixi doonto lacag dhan 4 Bilyan oo dollar.

Trump ayaa bartiisa twitterka ku qoray Qoraal uu ku sheegayo inay tahay Wax Lalayaabo Qiimaha badan oo ay ku kaceyso dhismaha Labada diyaaradood ee Air Force One. Isagoona ku baaqay in mashruucaasi la joojiyo.

Boeing is building a brand new 747 Air Force One for future presidents, but costs are out of control, more than $4 billion. Cancel order!

[AdSense-A]

Shirkada Boeing ayaa lagu waday inay dhismaha diyaaradahan ay soo gabagabeyso sanadka 2022, balse waxaa hada muuqata in Madaxweynaha cusub uu doonayo in gorgortan horleh uu la galo shirkadan diyaaradaha sameysa oo kamid ah kuwa dhaqaalaha badan ka sameeyey hubka iyo diyaaradaha ay u sameeyaan dowlada Maraykanka.

trump-hanjabaad-boeing3
Diyaaradaha Boeing ay u sameyso Madaxtooyada Maraykanka ayaa ah kuwo si gaar ah loo dhiso iyadoona lagu rakibo qalab casri ah oo ay diyaarada isaga difaaci karto hadii weeraro lagu soo qaado, sidoo kale waxaa lagu rakibaa isgaarsiinta u sahli karta Madaxweynaha inuu kula xariiro militariga Maraykanka iyo waliba bixinta amarka isticmaalka hubkooda ugu culus ee Nukliyeerka.

Comments are closed