– Waxaa yimid waqtigii General Ratko Mladić loo qaban lahaa masuuliyadda denbiyadii u geystey, waxaan dalabanayaa inta uu nool yahay uu xabsi ku jiro ayuu yiri Alan Tieger dacwad oogaha maxkmadda ICC.
General Ratko Mladić oo loogu yeero Kawaanlihii dadka ayaa lagu eedeeyey in uu masuul ka ahaa dilka 8.000 oo qof xasuuqii Srebrenica, iyo in uu hareereeyey oo go’doon ka dhigey muddo 44 bilood ah dad gaaraya 10.000 oo qof, magaalada Sarajevo.
Dagaaladii Boosniya ee sagaashamaadkii ayaa lagu diley dad ka badan 100.000 oo qof, waxaana lagu khasbey 2.2 milyan oo qof in ay guryahooda ka baxsadaan.
Ninka sida weyn denbiyada ula wadeegey Maladic ee sheegan jirey hoggaamkiyaha Serbiyaanka Bosniya Radovan Karadzic, ayaa sanadkii hore maxkamadda caalamiga ah ee denbiyada dagaal ku xukuntey 40 sano oo xabsi ah.
Comments are closed