DAAWO Madaxweynaha Puntland oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Kana Hadlay Arrimo Badan-Video

puntlandGaroowe (NN) 10/12/2016

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Garoowe dib ugu soo laabtay ka dib markii Safar qaatay labo toddobaad uu ku soo maray Wadamada Shiinaha, Ethiopia iyo dalka Kiiniya, halkaasi oo uu kulamo kula soo yeeshay qaar ka mid ah masuuliyiinta wadamaddaas, Safiiro iyo shirkaddo dhinac maalgashiga ah.

Madaxweynaha oo maanta barqadii ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Garoowe, waxaa si diiran u soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Labada golle ee dowladda Puntland, Saraakiil ka tirsan madaxtooyadda, Saraakiisha Amniga iyo Dadweyne kale oo tiro badan.

Madaxweynaha oo shir Jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyadda, wuxuu ka waramay socdaalkiisii  uu dalka dibadiisa uu ku tegay, Waxaa kaloo uu ka hadlay arrimaha doorashadda Soomaaliya, Doorashadda aqalka hoose ee Barlamaanka Soomaaliya ee Garoowe dib uga bilaabatay, waxaa kaloo ka hadlay Abaaraha iyo howlgaladii dib loogu qabsaday degmadda Qandala.

“runtii wuxuu ahaa safar shaqo oo aad u dhib badan oo socod ah, ujeedada aanu tegnay dalka shiinuhu  waxay ahayd arrin maalgashi ah, dalku wuxuu u baahan yahay isbedel, meel kasta oo aanu ka heli karno maalgashiyaga khayraadkayaga, wax soo saarkayaga, shaqo abuuris loo sameeyo dadkayaga, inaanu meel kasta u tagno, dhowr gobol ayaanu tegnay, waxaan rajaynayaa in wax wanaagsan oo deg deg ah in dadka iyo dalka uga soo baxaan” ayuu yiri Madaxweyne Puntland.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay in magaaladda Nairobi uu kula kulmay Safiirka dalka Jarmalka, oo uu kala hadlay mashaariicda ay ka caawinayaa Puntland oo ay ka mid tahay mashruuca dhismaha wadada Galkacayo iyo Garoowe oo uu sheegay in wajigii kowaad uu dhawaan bilaaban doono. waxaa kaloo uu sheegay inuu safiirka dalk Hindiya uu kala hadlay baahiyaha dhinac waxbarashadda ee Puntland.

Gees kale, Madaxweynuhu wuxuu kaga hadlay doorashadda aqalka hoose ee Barlamaanka federaalka oo dib uga bilaabatay magaaladda Garoowe, isagoo taageeray go’aankii guddiga doorashaadu ay ku asteeyay qoondada Haweenka ee aqalka hoose.

” waxaan maqlayay dad oronaya gabdho ma rabno, waxay ila tahay waxaasi wax la aqbali karo ma ah, gabdhuhu dadkay ka mid yihiin, 50% dadka Puntland waa gabadho, xaqoodana lama inkiri karo, ciddii isku daydana, kama yeelayno” ayuu yiri madaxweyne Gaas.

dhinac kale, Madaxweynuhu mar uu ka hadlayay muranka ka taagan xubnaha aqalka sare ee Goboladda waqooyi, wuxuu tilmaamay in qaabka loo wajahay arrintaasi aysan sax ahayn.

” Haddii kuraastu (aqalka sare) ay dirta waqooyi leedahay ha la siiyo, oo ha lagu dhawaaqo, marna inay yiraahdaan sool, Sanaag iyo Cayn Somaliland ayay ka mid tahay, marna yiraahdaan Dirta waqooyi ayaa  qaadanaysa, iyagaa laga rabaa inay is waafajiyaan” ayuu yiri madaxweyne Gaas.

wuxuu kaloo uu madaxweynuhu  sheegay in dowladda Puntland ay si dhab ah uga qaybqaadanayso Doorashadda Madaxtinimadda Soomaaliya, islamarkaana dalku uu u baahan yahay isbedel dhab,  oo ka hirgala. waxaa kaloo uu madaxweynuhu uu ka hadlay abaaraha saameeyay dhammaan goboladda Puntland, isagoo sheegay in dalkaasi shiinaha uu ka soo helay riig ceelasha qoda, islamarkaana loo baahan yahay inu dalku ka baxo baahida dhinaca Biyaha.

Gabagabadii, Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay howlgaladii Ciidamada Puntland u dib ugu qabsadeen magaaladda Qandala, isagoo si weyn u ammaanay oo u hambalyeeyay ciidamadii kala duwanaa ee ka qaybqaatay howlgalkaasi, wuxuuna u rajeeyay  caafimaad askartii ku dhaawacantay dagaalkaasi.

Comments are closed