Yahya Jammeh keligii taliyihii Gambia oo natiijadii doroashada diidey

yahya-1Gambia (NN) 10/12/2016

Keligii taliyihii dalka Gambia Yahya Jammeh ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadey natiijadii doorashadii dhacdey 1 Diseembar, waxaana uu dalbadey in doorasha cusub lagu noqdo.

Yahya Jammeh ayaa looga guuleystey doorashada, waxaana ay guushu raacdey Adama Barrow, wuxuu qirtey in laga guuleystey. Hadda ayuu si la yaableh isu beddalay.

Sida laga so xiganayo Telefishanka BBC, waxa uu ku nuux-nuuxsadey keligii taliyaha muddada dheer xilka hayey, in guddiga doorashadu ay isaga qalad ka galeen. Wuxuu sheegay in uu baaritaan ku sameeyey codadka la dhiibtey, waxaana uu helay “wax isdaba marin aan la aqbali karin”

Barrow oo ah ninka guushu raacdey ayaa ku eedeeyey Jamah in uu dhaawacay Dimoqraadiyaddii, kadib markii uu diidey natiijada doorashada ee uu horey u qirtey in laga guuleystey.

Natiijada ugu danbeysey ee doorashada ayaa Adama Barrow helay 43.29 boqolkiiba codadka la dhiibtey halka Jammeh uu 39.64 boqolkiiba. Dadka ka qaybqaatey doorashada ayaa gaarayey 59%.

Yahya Jammeh oo isugu yeera magacyo badan ayaa Gambiya ka soo talinaayey muddo 22 sano ah, kadib markii isaga oo nin dhalinyaro ah uu inqilaab kula wareegay sanadkii 1994.

Comments are closed