20-Qof dhimasho Qarax weyn oo ka dhacay Magaalada Qaahira

qaahiraMasar (NN) 11/12/2016

Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu diley qarax xooggan oo ka dhacay bartamaha Qaahira ee dalka Masar. 25 qof oo kale ayaa ku dhaawacmey weerarka.

 

Sida laga soo xiganayo Booliska Amniga ee Masar, qaraxa ayaa ka dhashey gaari bom lagu soo xirey oo laga hagey meel kale kaas oo la dhix dhigey gudaha Kaniisada qaraxu ka dhacay.

Ma jirto cid sheegatey in ay weerarkan ka danbeysey ilaa hadda.

[AdSense-A]

Kaniisadda la weeraray ayaa waxay taabacsan tahay Kirishtaanka Ortodhokiska.

Xiliga weerarku dhacaayo ayaa ahayd maalin Axad ah oo dadku ku badan yahay Kaniisadda.

Horey ayaa Kirishtaanka laga badan yahay ee Masar loogu weeraray Kaniisadohooda

Comments are closed