Qaraxa ayaa dhacay laba saac kadib markii ay dhamaatey ciaar kubadda cagta ee ka socotey garoonka Besiktas Vodafone arena.
Ugu yaraan 29 qof ayaa lagu diley qaraxyada ka dhacay Istanbul, kuwaas oo u badan shaqaalaha Booliska, waxaa ku dhaawacmey dad ka badan 160 qof sida laga soo xiganayo maamulka Turkiga.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Turkiga Suleyman Soylu ayaa sheegay in ilaa hadda dhimashadu ay tahay 27 qof oo Boolis ah, iyo laba qof oo rayid ah, sida laga soo xiganayo AFP.
[AdSense-A]
Turkiga ayaa ku dhawaaqey maantey in calanka hoos loo dhigo oo ay tahay maalin murugo.
Ma jirto cid horey ka sheegatey masuuliyadda weerarkan. Raysalwasaaraha Turkiga Binai Yildrim ayaa farta ku fiiqay cidda weerarkannka danbeysey in ay tahay jamhadda kurdiyiinta ee PKK.
Comments are closed