29-Qof dhimasho Qarax weyn oo ka dhacay Maanta Muqdisho

qaraxMuqdisho (NN) 11/12/2016

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimashada weerar ismiidaamin ah oo maanta lagu qaaday xarunta waaxda canshuuraha dekeda Muqdisho, waxaa ay dhimashada gaartay ilaa iyo hadda 29 ruux sidda ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan booliiska.

 

 

1Col C/qaadir Faarax ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters, in 29 ruux oo u badnaa dad rayid ah ku dhinteen weerarka, halka dhaawaca uu ka badan yahay 50 ruux oo qaarkood ay soo gaareen dhawacyo culus, kuwaa oo la dhigay goobaha caafimaadka Muqdisho.

Afhayeen u hadlay xarrakada Al-shabaab ayaa sheegay in ay weerarka ay la beegsadeen xarun ay  lahaayeen ciidammada booliiska oo ku dhaw dekeda Muqdisho, iyaga oo dhinacooda sheegtay in ay ku dileen tiro ka badan inta ay xaqiijinayaan laamaha amniga dowladda.

[AdSense-A]
Weerarka saakay ka dhacay naxaawiga dekeda Muqdisho ayaa imanaya xili siddoo kale weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu bartilmaameedsaday maalintii shalay barkootarool oo ay ciidamada dowladda ku lahaayeen meel dulleedka ka ah Ex Koontarool Afgooye.

Weeraradan oo dhan ayaa dhacaya xili qeybo ka mid ah dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho ka soconayaan doorashooyinkii xubnaha aqalka hoose iyo sare.

Comments are closed