MM Jigjiga Oo Tababar U Qabtay Hogaaminta Hoose

ganiJigjiga (estvlive.com0 13/12/2016

Tababarkii hogaaminta hoose ee qabeelayada maamulka magaalada jigjiga oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta ugu saraysa mm jigjiga oo ay kamid yihiin maayarka mm jigjiga mudane Axmed maxamuud Axmed, Madaxa arimaha xisbiga mm jigjiga, Madaxa arrimaha siyaasada mm jigjiga mudane cabdi Gaani hogaaminta hoose ee xaafadaha mm jigjiga ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska arimaha haweenaka iyo caruurta DDSI,

gani02Hadaba furitaankii tababarkan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay maayirka mm jigjiga mudane Axmed Maxamed oo sheegay inuu tababarkani yahay mid kor loogu qaadayo garaadka aqooneed ee xubnaha xisbiga, Waxuuna masuulku intaa ku daray in mudada uu cashirku socdo la ilaaliyo saacada cashirka maadama uu tababarku yahay mid muhiim ah islamarkaana wax badan ka faaiidi doontaan.

gani03Sidoo kale waxaa isana dhankooda ka hadlay madaxa arrimaha siyaasada mm jigjiga mudaneCabdulaahi Maxamed, oo sheegay inuu tababarkani yahay mid lagu kobcinayo garaadka aqooneed ee xubnaha xisbiga laguna dardargalinayo qorshayaasha horumarineed, Nbadagalyada iyo maamulka suuban ee udajisan XDSHSI, Wuxuuna masuulku intaa ku daray inuu tababarku socon doono mudo 3 cisho ah islamrkaana loo baahan yahay inay kasoo qaybgalayaashu ay ka faaidaystaan tababarka mudadu uu cashirku socdo.

Comments are closed