Trump oo wasiirka arrimaha dibadda u magacaabaya nin saaxiib la ah Ruushka

ruushkaMareykanka (NN) 13/12/2016

Ninka noqonaya Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda in uu ku dhawaaqo booska ugu muhimsan xilalka uu magacaabayo oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda. Trump ayaa lagu wadaa in uu magacaabo nin horey madax uga ahaa shirkad Saliida qodda, saaxiib dhawna la ahaa Vladimir Putin Madaxweynaha Ruushka.

Rex Tillerson oo ah ninka Trump u magacaabayo xilkan ayaa horey madax uga ahaa shirkadda Exxon ee shidaalka.

Ilo ku dhaw Madaxweynaha la doortey ee Maraykanka ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in maanta oo Salaasa ah Trump ku dhawaaqi doono Wasiirka Arrimaah Dibadda.

 

[AdSense-A]

Rex Tillerson ayaa horey u canbaareeyey cunno-qabateynta la saarey Ruushka, waxaana uu horey billad abaal marin ah uga helay Madaxweynaha Ruushka.

Magacaabidda Tillerson ayaa la aaminsan yahay in ay ka hor imaanayaan in badan oo kamid ah Xildhibaanada Aqalka Sare.

– Xiriirka Tillerson iyo Putin waa mid naxdin igu rideysa. Putin waa denbiile, waa faduuli iyo dilaa, waana beenlow ayuu yiri John MacCain oo ka tirsan aqalka Shuyuukhda.

Trump ayaa bartiisa Twitterka ku xaqiijiyey magaacidda Tillerson.

I have chosen one of the truly great business leaders of the world, Rex Tillerson, Chairman and CEO of ExxonMobil, to be Secretary of State.

Mitt Romney oo ay aaminsanaayeen Jamhuuriyiinta awoodda ku lahaa Xisbiga in la magacaabyo ayaa sheegay in uu heley wargelin ah in aan xilkaas loo magacaabeyn, taas oo xoojisey magacaabida Rex Tillerson.

Magacaabidda ninka xiriirka dhaw la leh Ruushka iyo waxaa isku beegmay war ka soo abxay CIA oo sheegtey in Ruushku soo farogeliyey doorashada Maraykanka si ay u taageeraan Trump taas oo hadda baaritaankeedi socdo.

Comments are closed