Maareeyaha Wakaalada Dhismaha Jidadka DDSI Oo sheegay in xukuumada DDSI Awooda saartay dhismayaasha jidadka.

cabaasJigjiga (estvlive.com) 14/12/2016

Maareeyaha guud ee wakaalada dhismaha jidadka  DDSI mudane Cabaas Xuseen Obsiiye oo waraysi siiyay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in iyada oo laga duulayo fulinta qorshayaasha u yaala xukuumada DDSI oo awooda saartay sanadkan hirgalinta dhismayaasha jidadka oo halbawle u ah horumarka bulshada deegaanka.

maareeyaha ayaa  sheegay  in ay wakhti xaadirkan  wakaaladu  dardar xoogan galisay fulinta qorshayaasha  ahmiyadoodu yihiin dhismayaasha jidadka oo sahlaya isku socodka bulshada deegaanka taasi oo xoojinaysa hirgalinta   hawlaha  horumarka nabadgalyada iyo koboca dhaqaalaha dalka iyo deegaanka

wuxuuna, intaasi ku daray maareeyuhu in wakaaladu guulo mug wayn ka soo hoysay qorshayaashii u yaalay ee ahaa dhinaca dhismayaasha jidadka iyo buundooyinka kuwaasi oo sahlay isku socodka bulshada deegaanka, dadka, duunyada iyo gaadiidka u kala goosha gobolada DDSI. maareeyaha ayaa tilmaan dheer ka bixiyay dhibaatooyinkii hore uga haysan jiray bulshada deegaanka dhinaca jidadka ee isku socodka degmooyinka deegaanka balse markii ay xukuumada DDSI dajisay ayuu yidhi maareeyuhu qorshayaal cilmiyaysan in  laga guul gaadhay xal u helida jidadka isku xidha gobolada iyo degmooyinka deegaanka.

Ugu danbayntii maareeyaha wakaalada dhismaha jidadka ayaa sheegay in mashaariicaha waawayn ee ay wakaalada hadda gacanta ku haysto fulindooda   oo iskugu jira  mashaariicaha biyo xidheenada looga faa’iidaysanayo wax soo saarka beeraha, mashaariicaha dhismayaasha jidadka iyo buundooyinka ay wakhti kooban wakaaladu ku soo gabagabayntoondo.

Comments are closed