Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo U Dhoofay Imaraadka Carabta.

rashiidDubai (NN) 14/12/2016

Ra’isul Wasaaraha dowladda Federaalka ee Somaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa saaka u ambabaxay Imaarada Abu-dubai ee dalka Isutaga Imaaraatka Carabta, isagoo diyaarad gaar ahi ay ka qaaday Garoonka diyaaradaha magaaladda Bosaso.

Ra’isul Wasaare Sharmaarke oo ay weheliyeen xildhibaano ka tirsan barlamaanka cusub iyo ilaaladiisa ayaa saaka hiirtii waaberi diyaarad ka raacay garoonka Garoowe, ka dibna ku hakaday garoonka diyaaradaha Bosaso, halkaasi oo uu ka sii qaatay diyaarad kale oo dowladda imaraadku soo kiraysay, halka xildhibaanadii, Ilaaladiisii iyo shaqaalaha xafiiskiisa ay diyaarad kale u qaaday magaaladda Muqdiso

Ujeedka safarka Raiisal wasaaraha ee dalka Isutaga imaaraatka Carabta lama shaacin balse waxaa la filayaa in uu la xiriiro arrimo khuseeya Ololihiisa doorashada,iyadoo la sheego in dalkaas uu taageero weyn ka haysto.

Ra’isul Wasaaraha ayaa shalay ka qaybgalay kullankii lagu sagootinayay xildhibaanada labada aqalka, Ka dibna wuxuu shir uu albaabadu  u xirnaayeen oo warbaahintu dibada ka joogtay, la yeeshay xildhibaanadda labada aqalka, kaasi aan la shaacin wixii lagaga hadlay, Waxaa kaloo ra’isul Wasaaruhu uu magaaladda Garoowe uu kullan gaar ah kula yeeshay  Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole

[AdSense-A]

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa shalay isna booqday Safaaradda dowladda Imaraadka ay ke leedaha magaaladda Muqdisho, halkaasi oo uu kula kulmay Safiirka iyo diblamaasiyiinta kale ee Safaaradda

Booqashada madaxweynaha ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu u guurgalayay howlaha ka socda safaaradda iyo muujinta xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya labada Dal

“maalmahan waxaa socday dacaayado lagu wayeeleynayo xiriirka iyo saaxibintimada ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Imaaraadka, taas waa been abuur, xiriirka labada dal u dhaxeeya mar walba waa uu sii xoogeysanayaa”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya

Gabagabadii, Safarka cumar Cabdirashiid ee Imaraadku wuxuu ku soo beegmay iyadoo 14 maalmood oo kaliya ay ka hartay doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya, taasi Ololaha doorashadduna uu meel xasaasi ah marayo, waxaana ku tartamayay murashixiin ka badan labaatan, oo ay ku jiraan labada Masuul ee ugu saraysay dowladda federaalka Soomaaliya.

Comments are closed