Madaxweynaha dalka Filibiin oo qirtay in uu gacantiisa toogasho ku geystay

filibimFilibiin (NN) 14/12/2016

Madaxwaynaha dalka Filibiin Rodrigo Duterte ayaa qirtay in uu gacantiisa ku dilay dambiilayaal intii uu ahaa duqa magaalada Davao.

Madaxweynaha ayaa dalka maamulyay magaalad Davao, mudo labaatan sano ah isaga oo ku guulaystay in uu dhimo dambiyadii magaalada ka dhici jiray, isaga oo lagu eedeeyay in uu taageersanaa in dambiileyaasha la toogto.

[AdSense-A]

Madaxweyne Duterte ayaa hadalkan sheegay Isniintii mar uu khudbad u jeediyay hogaamiyeyaasha ganacsatada ka hor intii uusan safar ugu bixin dalka dibaddiisa.

Ugu danbeyntii, madaxwaynaha ayaa horay u jeediyay hadallo badan oo muran dhaliyay mararka qaarna iska hor imanaya.

 

Comments are closed