Qaraxa ayaa ahaa mid laga maqlayey inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaare isgu jirta dhimasho iyo dhaawac.
Gaari laga soo buuxiyey Waxyaabaha qarxa ayaa loo adeegsaday weerarkan.
Maqaayada The Village ee ku taal aaga guriga hooyooyinka aya waxaa soo gaaray bur-bur xoogan iyadoo qeyb ka mid ah uu dab qabsaday.
Waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay soo gaaray ciidanka ammaanka, kuwaasi oo baaritaano halkaasi ka sameeyey, iyadoo ay xireen dhammaan wadooyinka soo gala goobta uu weerarka ka dhacay.
Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa ayaa la ogeyn ilaa iyo hadda.
Waa Qaraxii Sadexaad oo muddo asbuuc gudaheed ah ka dhacaya magaalada Muqdisho, arrintan oo u muuqata in Kooxda Al Shabaab ay sare u qaaday weerarada ay ka geysaneyso Caasimada xili lagu wado in dhawaan ay dhacdo Doorashada Madaxweynaha oo filayo inay ka dhacdo magaalada Muqdisho.
Comments are closed