DAAWO Syria: Daadgureynta Shacabka oo ka socota magaalada Aleppo – Video

xalab-xaafad2016-1Siiriya (NN) 15/12/2016

Qeybihii ugu danbeeyey ee xaafadaha ay gacanta ku hayaan mucaaridka ee magaalada Aleppo ayaa waxaa manta ka socota daadgureynta shacabka iyo dhaawaca.

Shalay oo Arbaca ahayd ayaa lagu waday in ay bilowdaan hawlaha daadgureynta balse waxaa lagu guuleysan waaweyey hirgelinta xabad joojinta kadib markii xoogaga taabacsan dowlada IRAN ay magaalada duqeyn ku bilaabeen.

[AdSense-B]

Dowlada Turkiga iyo Ruushka ayaa iyagu ka shaqeeyey xabad joojinta dadka looga saarayo xaafadaha bariga magaalada Aleppo, arrintaasi oo ay markii hore diidanaayeen ciidamada IRAN iyo xulafadooda gacanta siinaya dowlada Siiriya.

Maanta oo Khamiis ah ayey qeybo kamid ah xaafadihii ugu danbeeyey ee magaalada Aleppo isaga baxeen dadka rayidka ah iyo waliba dhaawacyadii halkaasi lagu hayey. Walow ay soo baxayaan in rasaas lagu furay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen shacabka iyo dhakhaatiirta laga saarayey xaafadaha ku yaal bariga magaalada.

Comments are closed