Dr.Gaas ayaa waxaa safarka ku wehelinaya mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, iyagoo si rasmi ah Madaxweynaha ugala qayb geli doona shirka Madasha Wada Tashiga Qaran ee ka furmaya magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa ka hor safarkiisa warbaahinta la hadlay wuxuuna tilmaamay in isaga iyo wafdigiisu ay Muqdisho u tagayaan ka qayb galka shirar muhiim ah oo ay wada qaadan doonaan Madasha Wada Tashiga Qaran ee Soomaliya.
Ugu danbayn Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kalin muhiim ah ka qaatay arrimaha loogu diyaar garoobayo doorashooyinka dalka, isagoo tilmaamay in ay rajaynayaan is beddel siyaasadeed oo Soomaaliya ka hir gala waqtiyada dhow ee inagu soo aadan
Comments are closed