Daawo M/weyne Cabdi oo Xadhiga Kajaray Mashruuca Biyaha Birqod Gunagada

gun01Gunagada (estvlive.com) 15/12/2016

Iyadoo wali degmada gunagado uu ka socdo shirkii wada tashiga ahaa ee xukuumada iyo shacabka gunagado ayuu maanta madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu xadhiga ka jaray wajiga 1aad ee mashruuca balaadhan ee biyo galinta Birqod, Gunagado, Marsin, Gaashaamo,Danood oo ah birqod ilaa gunagado kasoo boqolkiiba boqol la dhamaystiray islamarkaana ay dadka iyo xooluhuba ka faaiidaysanayaan.

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo xadhig kajarka mashruucan biyogalinta ka hadlay ayaa sheegay in wajiga 1aad ee mashruucan oo ah birqod ilaa gunagado laga faraxashay islamarkaana uu mashruucan oo dhan 50km uu 5km leeyahay goob biyood loogu talagalay inay dadka iyo duunyaduba ka cabaan, Isagoo bulshada kula dardaarmay inay ilaashadaan. Kadibna maxadawaynaha oo hogaaminaya waftigiisa ayaa soo kormeeray goobaha laga sameeyay kaydadka biyaha iyo waliba ceelashii horay loo qoday iyo kuwii la macaaneeyayba.

gun02Dhanka kalana shacabka degmada gunagado oo soo dhaweeyay xadhig kajarka mashruucan islamarkaana siwayn ubogaadiyay ayaa balan qaaday inay ka faaiidaysanayaan mashruucan islamarkaana ilaashan doonaan,.

Comments are closed