Kulankii Wada Tashiga Dowlada Iyo Deeqbixiyaasha Dalka Oo Soo Gabagaboobey

ddsiAddisababa (estvive.com) 16/12/2016

Waxaa maanta kusoo gabagaboobay hoolka shirarka ee Ghion hotel ee xarunta dalka ee addisababa shirkii wada tashiga dowlada iyo deeq bixiyayaasha 6 bilood laha ahaa (JIRIS MEETING) islamarkaana socday mudo 3 cisho ah ayaa waxaa kasoo qaybgalay Dowlada federalaka,dowlad deegaanada, iyo deeqbixiya yaasha deeqaha siiya dalkeena.

Hadaba kulankan ayaa waxaa deegaankeena ooga qaybgalay masuuliin heer deegaan ah oo ay kamid yihiin Wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed cabdi Maxamed, hanti-dhowrka guud ee DDSI mudane Aadan kusow Cali, Maareeye kuxiigeenka wakaalada ilaalinta deegaanka kaymaha iyo macdanta Cabdrisaaq Dayib Xasan iyo masuuliyiin kale oo ka socday xafiiska caafimaadka DDSI iyo komashinka xalinta cabashooyinka DDSI,

Waxayna masuuliyiintu sheegeen inuu kulankan lagu qiimaynayay waxqabadkii 6da bilood ee fulinta barnaamijka adeegyada aas – aasiga (PBS III) & nidaamyada maamulka maaliyadeed ( PFM ) Sidoo kalena lagu soo jeediyay daraasado & Qiimayno laga sameeyay deegaanada dalka ayaa deegaan ahaan aad loogu amaanay inaga oo ku jirna deegaanada safka hore ah

Comments are closed