Hadaba, kulankan dardaaranka ayaa waxaa warbaahinta deegaanka uga warbixiyay Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay in kulankani yahay kulan dardaaran ah oo lagula dardaarmayo 9 kooxood oo loodiray kormeer xog uruurin ah islamarkaana larabo in ay soo uruuriyaan islamarkaana ay keenaan xogta dhabta ah ee ardayda, xogta-dugsiyada, xogta macalimiinta. Wuxuuna wasiirku intaa kudaray in kooxahani ay keenayaan dhamaan goldaloolada kajira waxbarashada degmooyinka iyo waliba nidaamka baris barasho ee kuwajahan siyaasada waxbarashada dalka iyo deegaankaba.
Sidookale, Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa kooxaha u soojeediyay dardaarn dheer oo ku aadan kormeerkan xog uruurinta ah isagoo sheegay in shaqsi kasta oo kooxahan kamid ahi uu si daacad ah oo wadaniyadi kudheehan tahay uu u keeno xogta dhabta ah ee waxbarashada.
Dhinaca kale, kooxihii kormeerka xog uruurinta waxbarashada oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin islamarkaaan ay xogta waxbarashada ee degmooyinka ay usoo uruurinayaan sida ugu saxsan ee ugu daacadsan. Waxayna xuseen in siwadaniyad iyo lahaanshaba leh ay xogta dhabta ah ee dhinaca waxbarashada ukeenayaan.
Ugudanbayna, kooxaha kormeerka samaynaya iyo agaasimayaasha ayaa balan qaaday in si wadaniyad le ay uhigalinayaan qorshayaasha waxbarashada uyaala
Comments are closed