DAAWO USA: Maxkamadeynta Cunsurigii dilay 9 qof oo Madow ah – VIDEO

Dylann Roof appears via video before a judge in Charleston, S.C., on Friday, June 19, 2015. The 21-year-old accused of killing nine people inside a black church in Charleston made his first court appearance, with the relatives of all the victims making tearful statements. (Centralized Bond Hearing Court, of Charleston, S.C. via AP)

Mareykanka (NN) 16/12/2016

Maxkamadeynta wiilkan Cadaanka ah ee lagu magacaabo Dylann Roof ayaa lasoo gaba gabeeyey qeybtii kowaad, iyadoo lagu helay dhamaan danbiyada lagu soo oogay oo gaarayey 33 danbi oo kala duwan oo ay jirto 9 qof ee uu dilay.

Dylann Roof oo ah 22 sano jir ayaa bishii June ee sanadkii hore 2015 Kaniisad ku taal magaalada Charleston ee gobalka South Carolina ku dilay sagaal qof oo Madow ah.

[AdSense-A]

Ninkan ayaa sheegay in uu si ulla kac ah u dilay dadkan Madowga ah, isagoo ku dooday naceybka uu aqabo Madowga Maraykanka oo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan dadka cadaanka ah.

Qareenada u doodayey gacan-ku-dhiiglahan ayaa iyagu doonayey inay maxkamada ka dhaadhiciyaan in uusan miir qabin ninkan, arrintaasi oo ay ku guuleysan waayeen. Xeer beegtadii Maxkamada u saartay dhageysiga dacwada ayaa sheegay in lagu helay ninkan dhamaan danbiyada lagu soo oogay.

Maxkamada ayaa hada u gudbeysa wareega ugu danbeeyo ee ah in lagu rido xukunka, wuxuuna muteysan karaa Xabsi daa’in aan fursadlahayn ama Dil.

Comments are closed